Caabuqa kaadi mareenka (urinary tract infection, UTI) waa caabuq ku dhaca meel kasta oo kaadi mareenka ah: kaadi-haysta, tuubada kaadida jidhka ka saarta (urethra), ama kelyaha. Badanaa waxaa keena bakteeriyada saxarada oo gasha kaadi mareenka.
UTI-yadu waa nooca caabuqa ee labaad ee ugu badan jidhka. Haweenka waxaa ku dhaca qiyaastii afar jeer in ka badan ragga, maxaa yeelay haweenku waxay leeyihiin urethra ka gaaban oo u dhow dabada.
- Caabuqa kaadi-haysta (cystitis) waa nooca ugu badan.
- Caabuqa kelyaha (pyelonephritis) wuu ka yar yahay laakiin wuu ka halis badan yahay, wuxuuna u baahan yahay daawayn dhaqso ah.
UTI-yada badankood si fudud ayaa loo daaweeyaa, qaar badanna si dhaqso ah ayay u bogsadaan.


